Axad, November 2, 2025 (HOL) – Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa ku wargelisay shirkadda diyaaradaha ee Flydubai in ay si buuxda ugu hoggaansanaato shuruudaha fiisaha gelitaanka Soomaaliya, kaddib markii la ogaaday in rakaab ay shirkaddu keentay magaalada Hargeysa aysan haysan fiisaha elektaroonigga ah (e-Visa) ee waajibka ah.