Sabti, September 6, 2025 (HOL) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Puntland ee PISA ayaa beenisay war maanta lagu faafiyey baraha bulshada, kuwaas oo lagu sheegay in hay’addu ay ka dambaysay geerida nin maydkiisa laga helay guri kuyaala magaalada Hargeysa ee Somaliland.