Sabti, Agoosto 2, 2025 (HOL) – Taliska hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay howlgal qorsheysnaa oo ay iska kaashadeen saaxiibada caalamka oo Xalay ay ka fuliyeen deegaanka Abooreey ee gobolka Hiiraan.