Sabti, Agoosto 2, 2025 (HOL) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa sheegay in maamulka gobolka ka go’an yahay in canshuurta laga qaado shacabka lagu hormariyo adeegyada bulshada iyo dib u dhiska kaabayaasha muhiimka u ah nolosha magaalada.