Sabti, Agoosto 2, 2025 (HOL) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta ku xukuntay dil toogasho ah Ex-Dable Boolis Bakar Cabdicasiis Maxamed, oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Haramcad, kadib markii lagu helay dambi ah dil bareer ah oo uu u geystay muwaadin Soomaaliyeed oo muruqmaal ahaa, Marxuum Cali Iskoow Daa’uud.