Axad, Agoosto 10, 2025 (HOL) – Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in saakay aroortii hore lagu dilay Cabdullaahi Abuukar Cali, oo ahaa horjooge sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kadib howlgal qorsheysan oo laga fuliyay deegaanka Warta Eey Duure, oo qiyaastii 30km u jirta magaalada Xudur ee gobolka Bakool.