Sabti, Agoosto 16, 2025 (HOL) – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay fuliyay howlgallo qorsheysan oo ka dhacay gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud, kuwaas oo lagu dilay ilaa 11 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al shabaab, waxaana lagu burburiyay gaadiid iyo saanad ciidan.