Arbaco, November 5, 2025 (HOL) – Golaha Isbahaysiga Dimuquraadiga Soomaaliyeed (SDA), oo ay ku mideysan yihiin 23 urur siyaasadeed oo ay horkacayaan siyaasiyiin caan ah ayaa ugu Baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh in dib loo dhigo Doorashada Golaha degaanka Gobolka Banaadir.