Sabti, October 25, 2025 (HOL) – Dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika, iyadoo shirkii 11-aad ee Madasha Sare ee Tana ee Amniga Afrika uu diiradda saaray doorka istiraatiijiga ah ee gobolkaasi ku leeyahay arrimaha amniga iyo horumarka qaaradda.