Arbaco, October 29, 2025 (HOL) – Maamulka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ay qaadayaan tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo dadka lagu eedeeyay in ay hurinayaan colaadaha u dhexeeya beelaha, isla markaana dhiirrigeliya rabshadaha iyo dilalka aargoosiga ah.