Sabti, Agoosto 2, 2025 (HOL) – Koongareeska Maraykanka ayaa Dowladda Maraykanka ku amray inay soo diyaariso qorshe lagu sameynayo xidhiidh rasmi ah oo lala yeesho Somaliland, iyadoo miisaaniyadda sanad maaliyadeedka 2026-ka lagu faray Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka inuu baadho fursadaha iskaashi ee ka dhex dhici kara Maraykanka iyo Somaliland.