Arbaco, Luulyo 16, 2025 – Dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish ayaa shalay ka dhacay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, waxaana ku dhintay ku dhawaad 15 askari oo ka tirsan ciidanka Puntland, sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo ammi.