Arbaco, Luulyo 16, 2025 – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku boorrisay Madaxweynaha Puntland inuu joojiyo tallaabooyinka sii hurinaya colaadda, isla markaana uu dib u celiyo ciidamada la geeyay Dhahar ee horey uga yimid Qardho, kuwaas oo markii hore loogu talagalay la dagaallanka kooxaha argagixisada balse hadda loo adeegsaday dano kale oo colaadeed.