Arbaco, Luulyo 16, 2025 – Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Itoobiya (NISS) ayaa shaacisay in la qabtay 82 xubnood oo ka tirsan kooxda argagixisada ah ee ISIS (Daacish), kuwaas oo lagu eedeeyay in ay qorsheynayeen weerarro qaraxyo ah iyo xasilooni-darro ay ka fulin rabeen gudaha dalka Itoobiya.