Jimco, Agoosto 22, 2025 (HOL) – Ku dhawaad 20 askari oo katirsan Ciidanka Puntland ayaa ku geeriyooday, in ka badan 30 kalena way ku dhaawacmeen, kaddib dagaal culus oo muddo saacado ah socday oo ka dhacay Ceelka Maraagade oo katirsan togga Baallade, halkaas oo ah mid kamid ah fariisimaha ugu weyn ee Daacish.