Talaado, September 9, 2025 (HOL) – Danjire El-Hadji Ibrahima Diene, oo ah Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya isla markaana ah Madaxa Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), ayaa booqday ciidamo nabad-ilaalin ah oo dhaawacyo culus kasoo gaaray dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.