Talaado, September 9, 2025 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar kale ka hadlay halista ay isbeddelka cimiladu ku hayso dalka Soomaaliya, isaga oo khudbad ka jeedinayey Shirweynaha 2-aad ee Cimilada Afrika oo ka socda magaalada Addis Ababa.