Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Puntland ay tahay gobol xor ah oo ku dhisnaa asaas u dhiganta danta guud ee shacabka. “Anagu ayaanu u dhaqmaynaa dastuurka iyo sharciga. Mashaariicda laga hirgalinayo Puntland waa inay ka tarjumaan danaha guud ee ummada,” ayuu yiri Deni.
Isagoo ka hadlaya baahida loo qabo horumarinta dhaqaalaha Puntland, Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay jiraan qorshayaal horumarineed oo ay dowladdu wado, balse loo baahan yahay in la helo taageero dhab ah oo laga helo hay’adaha caalamiga ah iyo ganacsatada gobolka.
“Dowladda waxa ay hirgelinaysaa barnaamijyo horumarineed oo ay ku jiraan dhismaha jidadka, biyaha, waxbarashada iyo caafimaadka. Waxaanu rajaynaynaa in hay’adaha caalamiga ah iyo shirkadaha ganacsiga ay noo taageeraan,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland ayaa bulshada ugu baaqay inay ka qayb qaataan horumarka gobolka, isla markaana ay sii wadaan dedaalka ay ugu jiraan horumarka iyo nabadda gobolka.