Sabti, Luulyo 26, 2025 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tegay caasimadda dalka Jabuuti, halkaas oo uu kulamo la yeelan doono dhiggiisa, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya.