Isniin, September 8, 2025 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in la dhameystiray dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada Soomaaliya (Somalia Meteorological Agency) uu marayo heerkii ugu dambeeyay, isla markaana ay haatan hortaal Baarlamaanka Federaalka si loo ansixiyo. Intii lagu guda jiray Shirweynaha Cimilada Afrika (Africa Climate Summit).