Talaado, September 30, 2025 (HOL) – Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta Maxkamada gobolka Banaadir u gudbiyay dacwada eedeysane Cali Cabdi Sheekh Khadar oo loo yaqaano Dhegadiish, kaasoo lagu eedeeyay inuu ilmo yar ku riday god, kuna aasay, islamarkaana ka duubay muuqaal uu ku baahiyay baraha bulshada.