Jimco, Luulyo 25, 2025 (HOL) – Ciidanka Booliska Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay askari eedeysane ah oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Cali, kaasoo shalay weerar geystay dhimasho iyo dhaawac ku qaaday ciidamo boolis ah oo ku guda jiray hawl-maalmeedkooda shaqo.