Isniin, Juun 30, 2025 (HOL) – Wasiirka Kalluumaysiga iyo Kheyraadka badda ee Dowlad Goboleedka Puntland, Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa ayaa maanta sheegay in ay Puntland awood u weyday wax ka qabashada kalluumaysiga sharci darrada ah ee ka socda xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Puntland.