Isniin, Juun 30, 2025 (HOL) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Sheikh Maxamed bin Cabdiraxmaan Al-Thani, waxayna ka wada hadleen iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, tamarta iyo waxbarashada, Sida ay sheegtay Madaxtooyada Somaliland.