Arbaco, Agoosto 13, 2025 (HOL) – Hay’adaha amniga Puntland, oo kaashanaya Hay’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya (NISA) iyo Booliiska Adduunka (Interpol), ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu soo dhigay Agaasimihii hore ee Isbitaalka guud ee Qardho, Dr. Jaamac Ildab, oo loo haysto kiisas kufsi ah.