Sabti, Agoosto 30, 2025 (HOL) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah dhambaal hambalyo ah ugu diray Madaxweynaha cusub ee loo doortay Dowlad Gobolleedka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Axmed Awcali (Firdhiye), iyo Madaxweyne ku-xigeenka cusub, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Doorashadan ayaa ka dhacday magaalada Laasacanood, iyadoo ay si nabad ah ku soo gabagabowday.