Isniin, September 1, 2025 (HOL) – Wafdi milatari oo heer sare ah kana socda dalka Masar, kuna sugan magaalada Muqdisho, ayaa bilaabay booqasho rasmi ah oo ujeedadeedu tahay sidii loo dardargelin lahaa qorshaha lagu doonayo in ciidamo Masri ah lagu biiriyo howlgalka Midowga Afrika ee taageerada Soomaaliya.