Sabti, November 8, 2025 (HOL) – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday in nidaamka dal-ku-galka danabaysan (eVisa) ee ay soo rogtay dowlada Soomaaliya aanay waxba ka khusaynin Somaliland, isla markaana hadda wixii ka dambeeya diyaaradaha isticmaala hawadeedu ay waajib ku tahay inay helaan oggolaansho rasmi ah oo ka yimid Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradaha.