Soomaaliya iyo Algeria oo kawada shaqeeynaya arrimaha horumarinta Warshadaha labada dal

Kulan ka dhacay xafiiskii Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Aljeeriya, ayaa waxa uu ka soo qeyb galay Safiirka Soomaaliya ee Aljeeriya, Yuusuf Axmed Xasan iyo xubno ka socday safiirada Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa si weyn uga wada hadlay doorka ay warshaduhu ku leeyihiin kobcinta dhaqaalaha, isla markaana doonista ay Soomaaliya u qabto inay hirgasho warshadaha cusub, taas oo ay ku taliyeen inay noqoto mid ka mid ah horumarka dhaqaalaha dalka.

Sida uu sheegay Danjire Yuusuf Axmed Xasan, Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay abuuraan jawi hufan oo warshadaha cusub u furan, isla markaana ay ballan-qaadeen inay taageeraan cid kasta oo doonaysa inay maalgashi ku sameyso dalkeenna.

Guddoomiye Kouidri Chakib Ismail ayaa dhanka kale soo dhaweeyay tallaabadaas, waxaana uu caddeeyay inay Aljeeriya diyaar u tahay inay ka qeyb qaataan horumarka warshadaha Soomaaliya.

Kulanka ayaa noqday mid muhiim ah oo ku saabsan kobcinta xiriirka ganacsi ee labada dal, gaar ahaan arrimaha warshadaha iyo maalgashiga.

Akhri Warbixinta Dhammeystiran (Read More)

Main Menu