Khamiis, Agoosto 28, 2025 (HOL) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay adeeg cusub oo Online ah, kaas oo dadka ajaanibta ah ugu sahlaya inay si toos ah u dalbadaan fiisaha dal-ku-galka Soomaaliya. Waa markii ugu horraysay ee dalka laga hirgeliyo nidaam noocan ah.