Axad, October 26, 2025 (HOL) – Ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo qabto doorashooyinka Dowlad Goboleedyada oo muddo dheer dib u dhacay, iyagoo uga digay in dib-u-dhac sii socda uu dhaawacayo dimuqraadiyadda iyo hannaanka maamul wanaagga ee dalka.