Isniini, November 10, 2025 (HOL) – Xaalad deganaasho ah aan caga badan ku taagneyn ayaa maanta laga dareemaya tuulada Dudumaaye oo hoostagta degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo Shalay dagaal beeleed khasaare kala duwan geystay uu ka dhacay.