Jimco, September 12, 2025 (HOL) – Wasaaradda Gaashandhiga Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya ciidamada deegaanka ay saakay waaberigii hore si geesinimo leh uga hortegay weerar ay kooxda Khawaarijta Al-Shabaab kusoo qaadeen degmada Ceel-Dheer ee gobolka Galguduud.