Jimco, November 21, 2025 (HOL) – Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa shaaca ka qaaday iney jiraan shirkado aan ahayn kuwa dowladda Turkiga oo Soomaaliya daneynaya iney shidaal ka baaraan.