Jimco, November 7, 2025 (HOL) – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Xaaji Aadan oo booqasho deg deg ah ku tagay Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyay natiijada hordhaca ah ee kasoo baxday baarista kiiska Hooyada ku hor foolatay afaafka hore ee Isbitaalka Banaadir.