Axad, September 7, 2025 (HOL) – Wasiirka maaliyadda Dowlad Goboleedka Puntland Maxamed Faarax Maxamuud ayaa sheegay hadal ka careysiiyay shaqaalaha rayidka ah ee Puntland, kaddib markii uu sheegay in dhismayaasha waddooyinka ay ka muhiisan yihiin shaqaalaha mushaarkooda.