Arbaco, Luulyo 30, 2025 (HOL) – Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa maanta Guddoomiyey shirkii ugu horreeyey ee Guddiga Sare ee Hagidda ee Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka cimillada, kaas oo si rasmi ah loogu daah-furay hannaanka cusub ee Maaliyadda Cimillada ee Soomaaliya.