Isniin, Juun 23, 2025 (HOL) – Xildhibaano badan oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ee Mareykanka ayaa si adag uga falceliyay weerarkii Madaxweyne Donald Trump ku qaaday xarumaha nukliyeerka Iran, iyaga oo ku tilmaamay tallaabadaas “mid ka baxsan dastuurka” isla markaana ku baaqay in xilka laga xayuubiyo madaxweynaha.