Talaado, Luulyo 1, 2025 (HOL) – Cabdikariin Sheekh Muuse Qalb Dhahagax ayaa magaalada Jigjiga loogu doortay Guddoomiyaha Jabhadda Xoraynta Ogaadeeniya (ONLF), isaga oo madax ka noqonaya garab kamid ah jabhadda oo taageersan wada-shaqeynta dowladda Itoobiya. Dhanka kale, garab kale oo mucaaradsan dowladda, kana hawlgala dibadda, ayaa si cad u diiday doorashadiisa.