Talaado, Luulyo 8, 2025 (HOL) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in dowladda Federaalka ay ciidamo u dirtay gobollada Sanaag iyo Sool, isaga oo sheegay in aysan jirin sabab suurtagal ah oo ciidamadaas loogu diri lahaa deegaannadaas.