Talaado, Luulyo 8, 2025 (HOL) – Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u cambaaraysay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee la geeyay qaybo kamid ah gobolka Sanaag, waxayna sheegtay in cawaaqibka arrintaasi ka dhasha uu dusha saaran doono Madaxweyne Xasan Sheekh.