Jimco, Luulyo 25, 2025 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi uu dib uga qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland oo labadii maalin ee la soo dhaafay isku hor fadhiyay duuleedka magaaladaas.