Axad, Agoosto 3, 2025 (HOL) – Qaramada Midoobay ayaa daaha ka qaaday xaalado walaac leh oo ka socda Geeska Afrika, kaddib markii warbixinnada cunaqabateynta cusub ay muujinayaan in uu kordhayo xiriirka ka dhexeeya fallaagada Xuutiyiinta Yemen iyo kooxda Al‑Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.