Jimco, Agoosto 1, 2025 (HOL) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa ku dhawaaqay deeq lacageed oo gaaraysa $200,000, taasoo lagu taageerayo dadaallada gurmad ee lagu wajahayo abaarta ba’an ee ka taagan Gobolka Awdal ee Waqooyiga Galbeed Soomaaliya.