Khamiis, Agoosto 7, 2025 (HOL) – Maxkamad federaal ah oo ku taalla magaalada Minneapolis ayaa xukun 28 sano ah ku riday Abdiaziz Farah, oo ahaa mid ka mid ah eedeysanayaasha ugu weyn ee kiiska musuqmaasuqa baahsan ee la xiriira barnaamijka raashiin qeybin ee Feeding Our Future.