Khamiis, Agoosto 14, 2025 (HOL) – Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay iska hor imaad maanta ciidanka dowladda iyo maleeshiyaad u abaabulnaa hab deegaan ku dhexmaray xaafada Horseed ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.