Talaado, Agoosto 19, 2025 (HOL) – Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Cabdiqasim Salad Xasan, Sharif Sheikh Axmed, iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa si wadajir ah u soo saaray war-saxaafadeed ay uga digayaan Madaxweynaha hadda talada haya, Xasan Sheikh Maxamuud, tallaabooyinka lagu barakicinayo muwaadiniin danyar ah oo deganaa dhul dan guud.