Talaado, September 2, 2025 (HOL) – Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in laga bilaabo 1-da Nofeembar 2025 dhammaan wareysiyada fiisaha socdaalka ee dadka ka imaanaya Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan lagu qaban doono safaaradda Maraykanka ee Nairobi, Kenya.