Talaado, September 2, 2025 (HOL) – Wafdi ka kooban 16 xubnood oo ka socda Ciidanka Qalabka Sida ee dalka Masar ayaa gaaray magaalada Jowhar, xarunta maamulka Hirshabelle, si ay u fuliyaan hawl ku saabsan qiimeyn amni oo horudhac u ah imaanshaha guutada ciidankooda ee qeyb ka noqonaysa howlgalka AUSSOM.