Talaado, September 9, 2025 (HOL) – Itoobiya waxay muddo dheer qorshaynaysay in ay ka faa’iidaysato Wabiga Niilka Buluugga ah, iyadoo u aragta in uu yahay khayraad dabiici ah oo muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha iyo tamarta. Hamigaasi waxa uu dhaboobay markii la hirgeliyey mashruuca weyn ee lagu dhisay Biyo Xidheenka GERD, oo la filayo in uu awooda iyo dhaqaalaha Itoobiya kor u qaado.